Xaalada Deegaanka Xeraale Oo Saakay Degan
Wararka aan ka heleyno Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku waramayaan in halkaasi Saakay laga dareemayo xaalad daganaasho ah kadib markii labadii maalin ay la soo dhaafay uu dagaal xoogan ka socday.
Dadka Deegaanka ayaa soo sheegaya in xaalada Saakay ay tahay mid degan islamarkaana Ciidamada Ururka Ahlusunna iyo dhalinyaradda Deegaanka Xeraale ay isku horfadhiyaan goobihii lagu Dagaallamay.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ka socday Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Ururka Ahlusunna iyo dhalinyaradda Deegaanka Xeraale waxaana dagaalkaasi ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Waxgaradka Mudug iyo Galgaduud ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Deegaanka Xeraale oo uu dhiig badan ku daatay waxa ayna sidoo kale nasiib daro ku tilmaameen dagaalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ay guddi u diri doonto Deegaanka Xeraale si loo soo ogaado waxa sababay dagaalka.
Comments are closed.