Xaalada Deegaanka Banyaaleey Oo Kacsan & Xiisad Laga Dareemayo

Read Time:42 Second

Waxaa Maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa deegaanka Banyaaleey ee Gobolka Hiiraan halkaas oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega.

Dagaaladii u dambeeyay ee dhexmaray ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo barakaca dad farabadan kuwaas oo hadda xaalado kala dwuan ay ku hesytaan deegaano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Nabadoon Maxamed Cabdi Maxamuud oo ka mid ah Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in deegaanka Baanyaaley ee Gobolka Hiiraan ay ka jirto xiisad u dhaxeya labadii beelood ee wada dagaalamay.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in dagaaladaas ay yihin kuwo soo lab laabtey oo u dhaxeya maleeshiyad iksu-0heysta dhul daaqsin ah,balse iminka ay socdaan waan waan lagu qaboojinayo xiisadaas.

Dhowr mar ayaa waxaa xal laga gaaray dagaalada u dhaxeeya labada beelood ee ka dhacay deegaanka Baanyaaleey ee gobolka Hiiraan.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %