Xaalada Balcada warar ku saabsan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay xaalada degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe iyadoo inta badan degmada Balcad ay la wareegeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in kahor inta aysan gudaha u soo galin degmada Balcad ay dagaalyahano ka tiran Alshabaab ay weerareen kolonyo gaadiid ah oo marayay duleedka degmada Balcad iyadoo la gubay qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada AMISOM, sidoo kale waxaa ay qabsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab halka gaadiid kuwa xamuulka qaada ah oo saad u sidey saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka magaalada Jowhar.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka dhex maraya Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM hase yeeshee waxaa la geeyay deegaanka Qalimow qaar ka mid ah ciidamada AMISOM oo dhaawac ah.

Ururka Alshababa ee la wareegay xaafado ka mid ah degmada Balcad ayaa waxa ay qaateen wixii yiil xarunta maamulka degmada Balcad iyagoo xabsiga ka sii daayay maxaabiis ku xirneyd.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Al-Shabaab ay qaateen dhammaan qalabkii ay ku howlgali jirtey idaacad maxali ah oo ka howlgalaysay degmada taasoo la yiraahdo Radio Balcad.
Waxaana go’an isu socodka gaadiidka magaalada Muqdisho iyo magaalada Jowhar iyadoo gaadiid badan oo saaka ka soo tegey magaalada Muqdisho ay ku xayiran yihiin duleedka degmada Balcad halka gaadiid kale oo dad rakaab ah saaran yihiina ay ku xayiran yihiin duleedka Waqooyi ee degmada Balcad.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Weerarka Al-Shabaab saaka ku qaaday degmada Balcad ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta magalaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ay kulan ku leeyihiin ay ka qeybgalayaan madaxda wadamada ay ciidamadooda joogaan dalka Soomaaliya, Madaxweynaha Soomaaliya,Qaramada Midoobay iyo Wadamada Deeqaha Bixiya iyadoo loogaga hadlayo arrimo quseeya ammaanka.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245