Xaalad Adeg Oo Ka Taagan Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan
Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur ayaa ka hadlay dhibaatada xoogan ee ka jirta Degmada.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in degmada ay go’doon ugu jirto dagaalamayaasha Al Shabaab islamarkaana wax loo qaban Karin dadka ku dhibaateysan deegaanada Hoostaga Degmada.
Ibraahim Madoobe Nuur ayaa baaq u diray dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo ku aadan sidii Degmada go’doonka Al Shabaab looga saari lahaa.
Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa dagaal aad u xoogan waxaa ay kula jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana weli ay go’doon u tahay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Ururka Al Shabaab.
Comments are closed.