Xaaf:Laaluush ku bixiyay Hal Malyan Dollar oo Dekada lagu dhisilahaa

Read Time:46 Second

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa qirtay in si qaldan ku baxday lacagtii la aruuriyay ee loogu tala galay in lagu dhiso Dekadda Hobyo.
Xaaf oo la hadlay Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in lacag dhan Hal Malyan dollar oo loogu tala galay Dhismaha Dekadda Hobyo uu u isticmaalay sidii uu kursigiisa ugu difaacan lahaa.
”Lacagtii loogu tala galay Dhismaha Dekadda Hobyo oo gaareysay Hal Malyan oo Dollar runtii waxaa n u isticmaalay in aan isaga difaaco dagaalkii Siyaasadeed ee nalagu soo qaaday” Ayuu Yiri Xaaf.
Madaxweynaha Galmudug oo qirtay in uu isticmaalay lacagtii loogu tala galay Dhismaha Dekadda Hubyo ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in jeebkiisa lacagtaasi ka bixiyo, inkastoo uusan sheegin xiliga uu bixinayo.
Xaaf oo Xilka ka qaadeen Xildhibaano katirsan Galmudug ayaa lacagta loogu tala galay Dhismaha Dekadda Hobyo iyo lacago kale qaab laaluush ah ugu bixiyay sidii uu kursiga ugu difaacan lahaa.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %