
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku baaqay in gabi ahaanba la joojiyo howlaha ka socda Magaalada Dhuusamareeb.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay dowladda Federaalka faragelin ku heysay Maamulka Galmudug ,isla markaana ay bedeshay Odayaashii Dhaqanka Galmudug.
Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa loogu baaqay hoggaanka Ahlusunna,Musharixiinta Madaxweynaha iyo hamaan waxgaradka deegaannada Galmuudg inay howlaha doorashooyinka uga dambeeyaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Ugu dambeyn Madaxweyne xaaf ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeed in wixii cawaqib ah ee ka dhasha howlaha doorasho ee ka socda Dhuusamareeb ay mas’uuliyadooda ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya.