Wufuuddii Soomaaliya & Somaliland oo saaka ku kala laabanaya Muqdisho & Hargeysa

Mareeg.com: Wufuudii dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa saaka ku kala laabanaya Muqdisho iyo Haregysa, kadib markii ay fashilmeen wareeg kale oo wadahadal ah oo labada dhinac ku yeelan lahaayeen dalka Turkiga.

Labada dhinac oo saddex maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Istanbul  ayaa midba kan kale ku eedeeyey inuu sabab u yahay burburka ku dhacay wadahadalka labada dhinac.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka tirsan wafdiga federaalku u diray wadahadalka ayaa sheegay in fashilku yimid kadib markii maamulka Somaliland diiday inuu la fariisto wafdigooda oo ay ku jiraan xubno kasoo jeeda Somaliland.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay wanaag oo dhan la jeceshahay dadka Somaliland, horayna looga garaabay dhibaatadii nidaamkii milaterigu u geystay dadka ku nool deegaanadaas

Maareeye ayaa sheegay iney mushkiladda abuurayaan dad sida uu yiri si khaldan wax loogu sheegay.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha debadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in fashilka ay keentay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu sheegay iney dhegaha ka fureysatay shardi ay ku xirtay wadahadalka oo ahaa inaan wafdiga federaalka aysan ka mid noqon xubno kasoo jeeda Somaliland.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku dooday iney doonayaan ineysan marna u soo laaban Soomaaliya “Waxaan dooneynaa inaan kala go’no, Muqdisho uma socono” ayuu yiri wasiir Maxamed Biixi.

Magacyada xubnaha maamulka Somaliland dalbaday in shirka laga saaro ayaa kala ah: wasiirka warfaafinta ee dowladda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jamac Jangeli Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada, Saciid Qoorsheel iyo Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Cilmi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay ineysan badeli doonin xubnaha wafdigeeda, taasina waxey keentay inu kulanku furmi waayo.

Mareeg Media