Will u dhalay agaalyahanada Al Shabaab oo lagu dilay xabsiga degamda maxaas

Wararka ka imaanaya Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay gudaha Xabsiga Degmadaasi lagu dhax dilay Wiil la sheegay in uu dhalay Sargaal katirsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Wiilka Xabsiga lagu dhax dilay ayaa la sheegay in uu dhalay Gudoomiyaha Al Shabaab ugu magcaaban Deegaanka Moqokori, waxa uuna wiilkan kamid ahaa tiro maxaabiis ah oo ciidanka dowlada ugu xirnaa xabsigaasi.

Sida aan wararka ku heleyno dilka ka dhax dhacay xabsiga Degmada Maxaas waxaa geestay nin hubeesan oo ka careesna dil shalay walaalkiisa loogu geestay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ciidanka dowlada ioyo Maamulka Degmada Maxaas ayana wali ka hadlin dilkan xabsiga Degmada loogu geestay wiilka uu dhalay sargaalka katirsanaa Al Shabaab, mana jirto faah faahino kale oo dheeraad ajh oo dilkaasi laga bixiyay.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245