Wiilal iyo gabdho Somali-Mareykan ah oo ku biiray Khaalafada Islaamiga ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wiilal iyo gabdho Somali-Mareykan ah oo ku biiray Khaalafada Islaamiga ah

Mareeg.com: Ilaa 15 dhalinyaro Somali-Mareykan ah ayaa inta la ogyahay ku biiray kooxda Khalaafada Islaamiga ee IS ee ka dagaallanta Suuriya iyo Ciraaq.

Garyaqaan Cumar Jamaal oo arrimaha sharciga kala shaqeeya jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnisota ee dalka Mareykanka ayaa BBC u sheegay in ilaa hadda ay ka war hayaaan 15 dhalinyaro ah oo ka tegay gobolkaas, kuwaasoo aaday Ciraaq iyo Suuriya.

Cumar Jamaal ayaa sheegay in 12 ka mid ah dhalinyaradaas yihiin rag halka 3 kale ay yihiin dumar, wuxuuna xusay iney baxeen waqtiyo isu dhow.

“Ilaa hadda inta la ogyahay waxaa IS ku biiray 15 dhalinyaro Somali-Mareykan ah, 12 ka mid ah waa rag, 3-na waa dumar, waxeyna baxeen waqtiyo isu dhow, taasoo muujineysa iney ahaayeen dad iska war haya ama is yaqaana” ayuu yiri Cumar Jamaal.

Wuxuu sheegay Cumar Jamaal in loo badinayo in dhallinyaradaas ay wax u sheegeen dad kula nool Minnisota, uuna socod baaritaan ay wadaan FBI-da Mareykanka.

Dhawaan ayaa waalid Soomaaliyeed lagu magacaabo Maxamed ayaa sheegay in wiilkiisa oo 19-jir ahaa uu ku biiray dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ee IS.

Ninkaan ayaa sheegay in wwilkiisu ka tegay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, hase ahaatee uu ku noolaa dalka Canada.

Aabahaan ayaa xusay in wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamuud uu ku noolaa magaalada Hamilton ee dalka Canada, halkaasoo uu tagay isagoo afar sano jir ah.

“Muddo hadda laga joogo 2 bilood ayaa wiilkeygu ka tagay Minneapolis, wuxuu xilliyada fasaxa nooga imaan jiray Canada, aniga iyo isaga islama deganeyn, laakiin wiil fiican oo dabeecad leh ayuu ahaa” ayuu yiri waalidkaas.

“Wuxuu bil ka hor naga soo wacay meel ka mid ah Suuriya, wuxuu noo sheegay inuu la joogo dad walaalihiisa” ayuu yiri Aabaha dhalay wiilka Soomaaliyeed oo wareysi siiyay VOA.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ka tagay Mareykanka, Canada iyo dalal badan oo Yurub ah ayaa horay ugu biiray dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya.

Qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ah ee ku biiray Daacish ayaa waxaa qaarkood ka soo jeedaan qoysas caan ahaa oo siyaasada Soomaaliya ku jira.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!