Wiil uu dhalay siyaasiga Feysal Cali Waraabe oo ku biiray ISIS, una hanjabay Finland

Mareeg.com: Wiil uu dhalay Siyaasiga hogaamiya xisbiga UCID ee maamulka Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa ku biiray dowladda Islaamiga (Ex- ISIS) ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya.

Cajilad muuqaal ah oo ay soo saartay dowladda Islaamiga ah ee uu hogaamiyo Abuubkar Al-baqdaadi ayaa waxaa kazoo muuqday wiil uu dhalay Feysal Cali Waraabe, kaasoo lagu magacaabo Xuseen Feysal Cali Waraabe.

Cajalkaan oo ahaa mid lagu soo beegay ciidul-fidriga ayaa Xuseen Feysal Cali Waraabe oo ku hadlaya luuqada dalka Finland ku sheegey in ay calanka Islaamka ka taagi doonaan dalka uu ka soo jeedo ee Finland.

Xuseen Faysal Cali ayaa korey dalka Finland, waxaana uu muddo dheer deganaa magaalad Espoo ee isla dalkaas, hase ahaatee wuxuu mar dambe usoo wareegay deegaanada Somaliland, kadib markii aabihiis Faylsal Cali Waraabe ku biirey siyaasadda Somaliland.

Bishii Febaraayo ee sanadkii 2013 ayaa Xuseen Feysal iyo gabar uu guursadey oo kazoo jeeday magaalada Wajeer ee gobolka Woqooyi Bari Kenya waxaa lagu qabtey magaalada Laassnaacood iyaga oo doonayey iney galaan Koonfurta Soomaaliya si uu uga mid noqdaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Siyaasiga Feysal Cali Waraabe ayaa xilligaas ka hadlay arrinta wiilkiisa wuxuuna xusay in maskaxda laga khalday, lamana oga sida maamulka Somaliland wiilkaas kusii daayey

“Inanka anigaa dhalay, waxa ay wada socdaan Gabadh reer Wajeer ah, wasiirka arrimaha gudaha iyo booliiska waanu ka wada soconay qabashada wiilka iyo gabadha, waayo ma garanayo meel ay tagayaan, laakiin waxaan doonayaa in la hubiyo oo baadhitaan lagu sameeyo” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

“Gabadhu waa reer Wajeer, markaanu ogaanay inay baxsanayaan ayaanu baasaaboorkii ka qaadnay, xalay abaara kowdii habeenimo ayay hotelkii ay deganayaan ka guureen, saaka kowdii ayaa naloo sheegay iney gaari ka raaceen Burco, markaa Laascaanood ayaa nasiib wanaag lagu qabtay, waxa aad moodaa in dabeecadiisii wax laga bedelay oo ay heleen kooxaha Xag-jirka ah, mar hore waxay isku dayeen inay Yeman tagaan laakiin waan ka joojiyay” ayuu sidoo kale yiri Feysal Cali Waraabe.

Mar sii horeysey ayey ahayd markii Xuseen Faysal Cali Waraabe (Abu-Shucayb) u suurta gashey in uu galo dalka Siiriya, waxaana uu hadda ku sugan yahay dalka Ciraaq isaga oo kaid ah Khilaafada halkaas looga dhawaaqey sida uu cajilka ku sheegayo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245