Wiil uu dhalay ganacsade Soomaaliyeed oo caan ah oo lagu dilay Nairobi

Read Time:1 Minute, 0 Second

Nairobi – Mareeg.com: Wiil ganacsade ah oo uu dhalay ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa shalay dabley bastooladu ku hubeysan ku dileen magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ganacsadaha la dilay ayaa mgacaiisa lagu sheegay Saciid Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, waxaana dilkiisa warbaahinta u xaqiijiyey walaalkiisa C/qaadir Xaajir Cumar Cadaan.

Dilka ganacsadahan waxaa geystay labo nin oo watay bastooladu iyo Mooto, kuwaasoo ku toogtay afaafka hore goob ganacsi oo uu ku lahaa wadada Mombasa Road ee magaalada Niarobi.

Marxuumka waxaa lagu dhuftay 3 xabadood, waxaana la geeyey isbitaal ku yaala Nairobi, kaasoo uu ku geeriyooday shalay galab, sida uu sheegay walaalkiis C/qaadir.

C/qaadir Abukar Cumar Caddaan ayaa sheegay inaan la garaneyn kooxda dilka u geysatay walaalkood, wuxuuse xusay iney shaki ka qabaan arrimo burcadnimo, isagoo xusay in marxuumku wax yar ka hor uu lacag kazoo qaaday banki.

Kooxihii dilay Siciid Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa ka baxsaday goobtii ay ku dileen, booliiska Kenya ayaana sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxahii ka dambeeyay dilka ganacsadahan.

Ganacsadahan ayaa qalab ka keeni jiray dalal Shiinaha iyo Turkigu ka mid yihiin, wuxuuna dhanka kale qandaraasle la shaqeeya qaar ka mid ah hay’adaha UN-ka.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.