Wiil uu adeer u yahay Saacid oo ku biiray ISIS

Halab – Mareeg.com: Wiil uu adeer u yahay raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ku biiray Islaamiyiinta ka dagaallama dalka Suuriya, kadib markii uu ka tegay dalka Canada uu ku noolaa jiray, sidaa waxaa qortay shabakadaa CBC.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Faarax Maxamed Faarax Shirdon, oo ah wiil Soomali Candian ayaa ku biiray xoogaga islaamiga Ciraaq iyo Shaam ee la yiraahdo “ISIS”, waxaana wiilkaan uu ka soo muuqday muuqaal ay baahiyeen xoogagaasi.

Faarax Maxamed Shirdoon oo ku noolaa magaalafa Calgary ee dalka Canada,ayaa waxaa waxaa sida shabakaddaasi sheegtay adeer u ah ra’iisal wasaarihii hore Ee Soomaaliya Cabsi Faarax Shirdoon oo isagu lagu riday kalsooni uu ka waayay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wiilkaan Somali-Canadianka ayaa ka hor inta uusan ku biirin Xooga Islaamiga Dowlada Ciraaq iyo Shaam ee loo yaqaano “ISIS” wuxuu gubay passporkiisii Dalka Canada.

“Waan soo soconayaa, waana idin bur burineynaa haduu Alle yiraahdo,” ayuu ku yiri Faarax Maxamed Shirdoon.

Faarah Max’med Faarax Shirdoon oo kamid ahaa jaaliyadda soomaalida Canada gaar ahaan magaalada Calgary ayaa kasoo muuqday Video ay dowladda Islaamiga ah ku baahisay baraha Internetka.

Shabakadda CBC News Canada ayaa booqatay gurigii uu magaalada Calgary ka deganaa Faarax Max’med Faarax waxayna wareysiyo layeelatay ehelka Faarax oo sheegay in ay ka naxeen markii ay warbaahinta ka arkeen wiilkooda oo jarjaraya baasaboorka Canada.

Qoyska uu Faarax Max’med kasoo jeedo ayaa caan ka ah wadanka Canada waana qoys ku jiray siyaasadda Soomaaliya balse wiilkooda ayaa aragti duwanaa oo aad ujeclaa in uu ka qeyb galo jihaadka caalamka islaamka ka socda.

Mu’asasada Alfurqaan garabka warbaahineed ee jabhadda ISIS ayaa laba bil ka hor soo saartay Filim muuqal ah oo uu kasoo muuqanayay Max’med Faarah oo goodis u diray Mareykanka iyo Canada.

Wiilka uu adeerka u yahay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wax ka bartay machadka Technologiyada Ee Allberta, “Alberta Institute of Technology”.

Michel Coulombe oo ah madaxa sirdoonka dalka Canada ayaa bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay sheegay in 130 dhalinyaro Candian ah ay u jihaad doonteen wadamada Yemen, Suuriya, Soomaaliya iyo Waqooyiga qaaradda Afrika.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245