
Wararka laga helayo degmada Agooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan ay Maanta gudaha degmadaas ku dileen wiil Dhalinyaro ahaa oo kamid ahaa dadka ku nool Magaaladaas.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rag ku hubeysnaa Bustoolado ay ninkaasi oo lagu Magacaabi jirey Cabdi salaan maxamed ku dileen agagaarka buunda yarta degmada Afgooye ee Xaafada 21-ka October,kadibna ay baxsadeen.
Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dilka Wiilkaasi dhalinyarada ah ay ka dambeysay xaaskiisa oo u heysay laba carruur ah,balse aan la ogeyn waxa sababey dilkiisa.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo fariisinj ku leh Buunda yarta Afgooye ayaa tegay goobta, iyaga oo halkaasi ka sameeyey howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey dilkaas walow aysan gacanta ku dhigin.