Mareeg.com: Wiil lagu magacaabo Yuusuf C/qani Maxamuud Xaaji Fiqi oo uu adeer u yahay ayaa lagu dilay dagaalka ka socda dalka Suuriya.
Aabaha dhalay wiilkaas oo lagu magacaabo Cabdi Qani Maxamuud Xaanji Fiqi oo ku nool magaalada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa IDaacadda Alshabaab ee Alandalus ayaa sheegay in wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Cabdiqani Maxamuud Xaaji Fiqi lagu dilay dalka Suuriya.
Oday Cabdi Qani oo 60 jir ah, islamarkaana ay wada dhasheen Cabdi Xakiim Maxamuud Xaaji Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wiilkiisa oo muddo sanada ah ku noolaa dalka dibaddiisa, uuna 6 bilood ka hor u safray wadanka Suuriya.
“Wiilkaan hooyadiis ayaa debadda u wadday, markii uu ka baxay dugsiga sare ayuu u wareegay barashada diinta Islaamka, wuxuun noqday macalin dugsi, 6 bildood ka hor ayuu tegay Suuriya, wuxuuna shahiiday 21 December, 2014” ayuu yiri aabaha wiilkaas, C/qani Xaaji Maxamuud Fiqi.
Waxaa sii badanaya dhalinyarada ku qoyska ah siyaasiyiinta Soomaalida ee ka dagaalamay Suuriya iyo Ciraaq, iyadoo halkaas ay horay u tageen wiil uu adeer u yahay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, RW hore ee Soomaaliya iyo wiil uu dhalay siyaasiga Feysal Cali Waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.