WHO oo ogolaatay dawo lagula tacaalayo Ebola

Read Time:37 Second

Mareeg.com: Guddi ka kooban khubaro ka socoto hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa go’aan ku gaaray in dawooyinka aan horey bani’aadamka loogu tijaabinin loo adeegsan karo in lagu daweeyo dadka qaba caabuqa dhaliya cudurka Ebola ee galbeedka Afrika.

In kabadan kun qof ayaa ilaa haatan u dhimatay cudurkaasi Ebola, wuxuuna cudurkaan welweli ku abuuray dhamaan aduunka, iyadoo laga baqayey in dadka safraya isu gudbiyaan cudurka.

Guddigani ayaa sheegay in marka loo eego marxaladda lagu jiro ay habboontahay in dawooyinka noocaasi ah ama tallaalkuba la siiyo dadka inkastoo aan la ogeyn siday wax tar u leeyihiin iyo waliba dhibaatada kale ee ka dhalan karto.

Dawadani aan horey loo tijaabinin ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa laba qof oo ameerikaan ah oo ka shaqeeya arrimaha samafalka.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.