Weriye loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka siyaasadda gobolka Banaadir * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Weriye loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka siyaasadda gobolka Banaadir

Muqdisho – Mareeg.com: Tiftirihii hore ee wargeyska maalinleha ah ee XOG-OGAAL, kana soo baxa Muqdisho, Maxamed Aadaan Guuleed (Caano-geel) ayaa loo magacaabay inuu noqdo gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada iyo dimoqraadiyeynta maamulka gobolka Banaadir.

Magacaabista Caangeel ayaa timid kadib markii uu xilkaas iska casilay ninkii horay loogu xilkaas, kaasoo ahaa Kamaal Dahir Xasan (Kamaal Gutaale).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, C/llaahi Goodax Barre ayaa Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel), loogu magacaabay inuu noqdo gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada iyo dimoqraadiyeynta maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenka cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Axmed Showqi ayaa saxaafada u akhriyay wareegtada lagu magacaabay Caano-geel, waxaana wareegtada lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha gudaha uu la tashi la sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), islamarkaana la isla gartay in Maxamed Aadan Guuleed uu noqdo Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Ninkii horay xilkaan loogu magacaabay oo ahaa Kamaal Gutaale, horayna u ahaa agaasimihii Madaxtooyad ayaa ku qanci waayey xilkaas, wuxuuna istiqaalad u gudbiyay madaxweynaha, isagoo aan sheegin sababta uu ku diiday xilkan.

Wareegto ku taariikheysan 10/3/2014 ayaa Kamaal Guutaale iyo mas’uuliyiin kale madaxweyne Xasan Sheekh ugu magacaabay iney ka mid noqdaan ku xigeenada maamulka gobolka gobolka Banaadir.

Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel) ayaa ah milkiilaha Wargeyska maalinleha ah ee XOG-OGAAL, hase ahaatee wuxuu dalka ka tegay sandkii 2000, isagoo wixii xilligaas ka dambeeyey ku noolaa dalka Brtian.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!