Kismaayo, Mareeg.com: Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa maanta sii weriye uu xiray 22-kii bishan, kaasoo lagu mkagacaabo Adam Maxamed Salaad (Kismaayo).
Weriyahan manta lasii daayey ayaa tirsanaa weriyeyaasha Telefishinka qaranka Soomaaliya iyo Raadiyaha Muqdisho, lamana garanayo sababta rasmiga ah ee ka dambeysay xariggiisa.
Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in weriyaha la sii daayay kaddib markii lagu waayay eedaha lagu xiray. Saraakiisha ma aanay shaacin eedaha keenay in weriye Aadan Maxamed Salaad la xiro.
Aadan Kismaayo ayaa horey u noqday agaasimaha idaacadda ku hadasha afka maamulka KMG ah ee Jubba ee lagu magacaabo Raadiyow Kismaayo.
Gaari uu watay ayaa la sheegay in ciidan ka tirsan kuwa maamulka ay joojiyeen, kuwaas oo ku war-geliyay inay hayaan warqadda oggolaanshaha xariggiisa.
Ururka u dooda xuquuda weriyeyaasha Soomaaliya ee NUSOJ ayaa cambaareeyay xariggiisa, wuxuuna ugu baaqay maamulka KMG ah ee Jubba inuu shuruud la’aan ku sii daayo weriyaha.
Mareeg.com