weerarkii saaka ka dhacay Muqdisho-Sawirro iyo faahfaahin? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

weerarkii saaka ka dhacay Muqdisho-Sawirro iyo faahfaahin?

Inta la ogyahay 5-ruux ayaa ku geeriyootay qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay degmada Shangaani ee gobalka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, C/fataax Xalane, ayaa warfidiyeenada u sheegay in dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah labo ruux oo la socday gaariga ay ka buuxeen walxaha qarxa, kuwaasi oo ahaa naftood halligayaal, waxaana ka hortagay oo toogtay Ciidanka ammaanka.

Sidoo kale dadka geeriyooday waxaa ku jiray kuwo shacab ah oo marayay waddada xilliga uu Qaraxa dhacayay, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray 8-qof oo rayid u badan.

Qaraxa ayaa la doonayay in lagu galo xarunta ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Fiisha Taraafiko oo ku taalada degmada Shangaani, hayeeshee ciidanka ammaanka ayaa ka hortagay.

Goobta uu ka dhacay qaraxa ayaa haatan waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan dowladda iyo waliba ciidamo badan, kuwaasi oo adkeeyay ammaanka goobta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa caadeystay weerarada nuucaan oo kale ah

trafic1trafic2trafic16trafic14trafic7trafic3trafic3

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!