Dhageyso: Weerarkii lagu qaaday guriga Axmed Daaci oo la baarayo

Read Time:51 Second

Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa shaaciyey in xukuumaddu baareyso qaabkii uu u dhacay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ciidamada Nabadsugidda iyo AMISOM ku qaadeen guriga gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadow (Daaci).

R/wasaar C/weli ayaa xusay in xukuumaddu arrintaas guddi u xilsaartay, ayna soo gudbin doonto warbixin la xiriirta sidii wax u dhaceen iyo sidii howlgalkaas loo wajahay.

“Baaritaan ayaa lagu sameynayaa sidii howlgalkaas u dhacay iyo la qaban karay ee aan la qaban, waxaana soo gudbin doonaa warbixin buuxda” ayuu R/wasaare C/weli Sheekh oo Muqdisho kula hadlay warbaahinta.

Halkaan ka dhegeyso codka R/wasaare C/weli Sheekh

Xildhibaano iyo odayaal kazoo jeeda beelaha Muqdisho ayaa si kulul u dhaliilay qaabka loo maareeyey howlgalkii lagu qaaday guriga Axmed Daaci.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay shacabka ugu balanqaaday iney baareyso dhacdooyin horay u dhacay, hase ahaatee ma jirto hal dhacdo oo warbixin xukuumaddu kazoo saartay.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.