Weerarkii Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Degmo Kamid Ah Gobolka S/Hoose — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Weerarkii Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Degmo Kamid Ah Gobolka S/Hoose

Wararka ka imaanaya Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Degmadaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu galay Saldhig Ciidamadda  Boooliska dowladda ku leeyihiin agagaarka buundada weyn ee Degmada afgooye,gaar ahaan xarunta wakaaladdii hore ee biyaha.

Dhawaqa qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay Xaafadaha Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaaray ciidamadii ku sugnaa saldhiga iyo dad shacab oo ka adhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Waa qaraxii seddexaad ee saldhigaan lagu weeraro tan iyo markii halkaas la dajiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!