Weerarkii Alshabaab ku qaadday golaha shacabka oo la soo gebagebeeyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Weerarkii Alshabaab ku qaadday golaha shacabka oo la soo gebagebeeyey

Muqdisho – Mareeg.com: Waxaa salaadii duhur kadib soo gebageboobay weerar maanta rag ka tirsan Alshabaab ku qaadeen xarrunta baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Weerarka oo ku bilowday qarax weyn ayaa waxaa ku xigay weerar toos ah, waxaana halkaas laga saaray xildhibaanada iyo shaqaalaha. Laga bilaabo qiyaastii 11:30 ilaa 2:30 ayaa rasaastu ka socotay xarrunta baarlamaanka Soomaaliya.

Labo ka mid ah raggii Alshabaabka ahaaa ee goobta weeraray ayaa waqti dheer ku jiray dhisme ku dhow baarlamaanka, halkaasoo ay ka dagaallamayeen, waxaana dowladdu sheegtay in howlgalkaas lasoo afjaro.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyooday weerar ay Al-shabaab ku qaadday maanta xarunta golaha baarlamaanka, kuwaasoo isugu jiray xoogagii Al-shabaab ee weerarka qaaday iyo askarta dowladda Soomaaliya.

Weerarka waxaa ku dhaawacmay ilaa 3 xildhibaan oo ka tirsaan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhanka kale dhaawacyo soo gaareen askar dhowr ah. mid ka mid ah xildhibaanada dhaawacmay waxaa ku dhacday rasaas, halka labada kale ay ku dhaceen firirro.

Wasiir ku xieegnka amniga qaranka Soomaaliya, Ibraahim Isxaaq Yarow ayaa warbaahinta u sheegay iney fashiliyeen weerarka Alshabaab ku qaadday baarlamaanka Soomaaliya.

Alshabaab ayaa horay u weeraray madaxtooyada Soomaaliya, maxkamadda gobolka Banaadir, Xarrunta UNDP iyo xarrumo kale oo Muqdisho ku yaalla.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!