Weerarka Alshabaab hotelada Muqdisho oo ka dhicisoobay

Read Time:1 Minute, 0 Second

Waxaa soo baxaya warar hordhac ah oo ku saabsan weerar lagu qaaday maqribnimadii caawa labo ka mid ah hotelada waaweyn ee magaalada Muqdisho.
Wararka hordhaca ah ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan Afar oo shabaab iyo ruux oo rayid ah ay ku dhinteen weeraradan oo ku bilowday is qarxin kadibna ay xigtey rasaas ay is weydaarsadeen ilaalada labada hotel iyo kooxihii weeraray.
gari_gaashaaman
Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada amniga ay soo afjareen weerarkii lagu qaaday hotel Weheliye oo ku yaal wadada Maka Al Mukaramah ee magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee waxaa weli ka jira hotel Siyad oo ku dhow madaxtoyada qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo ayna howlgalo ka wadaan ciidamada amniga.
Dhinaca kale hoobiyaal ayaa laga maqlayay agagaarka garoonka weyn ee Stadium Muqdisho iyadoo dadka ku nool xaafadahaas ay sheegayaan in hoobiyaal lagu garaacay garoonka ciyaaraha oo ay fariisimo u yihiin qaar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.
Hase yeeshee lama oga in weerarada hoobiyaasha ah ay ka dhasheen qasaare.
Weeraradan ayaa noqonaya kuwii ugu xoogga badnaa ee ay ururka Alshabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho bisha Ramadaan, balse ururka Alshabaab ayaa weeraro ku qaaday qaar ka mid ah magaalooyin ay dowlada gacanta ku hayso intii lagu jirey bisha Ramadan.
marka laga reebohotel

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %