
Read Time:30 Second
Waxaa faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysaa gaari maanta lagu Rasaaseeyay qeybo ka mid ah Gobolka Mudug waxaana Rasaastaasi ay sababatay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gaariga ayaa la sheegay in xiliga l Rasaaseynayay uu marayay inta u dhaxeeysa Deegaanada Ganafale iyo Deegaanka Godod ee Gobolka Mudug.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay wadada u galeen Gaariga oo ay saarnaayeen dad Shacab ah iyadoona Rasaastaasi ay ku dhinteen 3 Qof halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen.
Gaariga la weeraray ayaa la sheegay in uu ka yimd markii hore Degmada Jariiban ee isla Gobolka Mudug waxaana gebi ahaanba gubtay Gaariga.