Weerar Maanta Lagu Qaaday Xarunta Doorashooyinka Galmudug * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Weerar Maanta Lagu Qaaday Xarunta Doorashooyinka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa waxa ay ku waramayaan in goordhow weerar lagu qaaday xarunta ay ka socoto Doorashada xubnaha Aqalka Hoose.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen xarunta ay socoto Doorashada waxaana iska caabin ku sameeyay Ciidanka amniga maamulka Galmudug.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha uu sababay weerarka maanta lagu qaaday xarunta Doorashooyinka Maamulka Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in 10 daqiiqo ay socotay rasaas xoogan oo ay is weedar sadeen kooxda weerarka soo qaaday iyo Ciidanka amniga maamulka Galmudug.

 

Wixii ku soo kordha la soco in sha allaah 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!