Weerar lagu qaadey Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo kenyan & Mareykan ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Weerar lagu qaadey Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo kenyan & Mareykan ah

Wararka  aan ka heleyno Gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaan ka tirsan Gobolkaas.

Weerarka oo ahaa mid ku bilowday Qaraxyo ayaa waaberigii hore ee saakay ka dhacay Saldhig Ciidamada Mareykanka gaar ahaan kuwa Badda iyo Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee ka tirsan Gobolka Lamu, iyadoona Saldhiga lagu magacaabo Camp Simba.

Intaasi kadib gudaha Saldhiga ayaa waxaa ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamadii ku sugnaa halkaas iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday, isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War qoaal ah oo ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Enlgish-ka oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa lagu faah faahiyay weerarkii ka dhacay deegaanka Manda Bay oo ka tirsan Gobolka Lamu.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dhex-dagaalamayan gudaha Saldhiga Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kenya, isla markaana qeybo kamid ah ay la wareegeen Saldhiga.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka iyo Kenya ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Lamu ee dalka Kenya oo ay uga hadlayaan weerarka ka socda deegaanka Manda Bay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!