Weerar lagu qaaday xalay Deegaanka Xawaadley

Read Time:36 Second

Wararka laga helayo deegaanka Xawaadley oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaan waxa ay sheegayan in xalay halkaasi kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen deegaanka.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhacay Xarumo ku yaalla Xawaadley  iyo goobo ganacsi oo  bartilmaameed u ahaa kooxihii weerar soo qaatay,waxana weerar xigay dagaal muddo socday oo dhaxmaray ciidamada dowlada iyo ragiii hubeysnaa.

Goobaha la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ciidan, maamulka degaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe,isla markaana waxaa weerarkaasi lagu dhaawacay sida la sheegay Taliyaha amniga deegaanka Xawaadley.

Sidoo kale waxaa weerar lagu gubay gaari Cabdi Bile ah oo uu lahaa Taliye ku-xigeenka Saldhigga Booliska degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %