Weerar khasaaro xoogan uu ka soo gaaray Ciidamada Maamulka Jubba oo ka dhacay Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Weerar khasaaro xoogan uu ka soo gaaray Ciidamada Maamulka Jubba oo ka dhacay Kismaayo

Kismaayo ( Mareeg)-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa ku soo warramaya in dhaq dhaqaaqa dowladda ka soo horjeedo ay xalay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba ku leeyihiin Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku uu yimid kadib markii Kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay weerar ku qaadeen Xero Academia eek u taalla Magaaladaas taas oo fariisin u ah Ciidamada Maamulka Jubba.

Wararka ayaa waxa ay sidoo kale sheegayaan in dagaaku uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sidoo kale waxa ay wararka intaas ku darayaan in dagaalkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo ka tirsan Maleeshiyada Axmed Madoobe sidoo kalana laga furtay hub inkastoo ilo rasmi ah aanu xaqiijin warkaasi.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Jubba oo ay kaga hadlayaan wararka sheegaya in khasaaro uu ka soo gaaray dagaalka lagu qaaday Fariisimahooda Magaalada Kismaayo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!