Weerar khasaaro dhaliyey oo xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Weerar khasaaro dhaliyey oo xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qorsheysan oo xalay lagu qaaday guriga taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu ka dagan yahay gudaha magaalada Baydhabo.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa fuliyey rag hubeysan, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kale oo shacab ah, kuna sugnaa guriga taliyaha.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib ay rasaas fureen ciidan ku sugnaa guriga, waxaana rasaastaasi dhaawac kasoo gaaray markii dambe u geeriyootay gabar yar oo ka mid aheyd dadka deegaanka oo lagu magacaabi jiray Xanaan Barre.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kal weerarka kadib sameeyey xalay, illaa saaka howl-gallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeyy dhacdadaasi.

Guriga la weeraray oo ku yaalla kasoo horjeedka garoonka kubadda cagta Dr Ayuub ee magaalada Baydhabo ayaa xilligaasi ka maqnaa taliyaha ciidanka Asluubta oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo uu xilligan ka howl-galo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More