Weerar Ka Dhacay Muqdisho & Agaasime Lagu Dhaawacay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Weerar Ka Dhacay Muqdisho & Agaasime Lagu Dhaawacay

Dabley ku hubeysneed Bastoolad ayaa maanta Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dhaawaceen Agaasimaha waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaarada Gaadiidka dowlada Soomaaliya.

Agaasimaha la dhaawacay oo ka tirsan Wasaarada Gaadiidka ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Sheekh Cumar waxaana xiliga la dhaawacayay Agaasimaha uu taagnaa Goob Shidaalka lagu iibiyo isla markaana Gaarigiisa uu Shidaal ku shubanayay.

Agaasime Cabdullaahi Sheekh Cumar  ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaaray Garabka iyadoona hada Xaaladiisa Caafimaad lagu daweynayo mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa goobta gaaray kuwaas oo sameeyay baaritaano in kastoo aysan ku guuleysan soo qabashada dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!