Weerar gaadmo ah oo lagu dilay askar Kenyan ah oo ku socday Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Wararka ka imaanaya xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada milateriga dalka Kenya lagu dilay, saddex kalana lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo maanta ka dhacay deegaanka Lamu oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakaal ka tirsan booliiska sida milateriga u tababaran ee Lamu, Samuel Obara ayaa sheegay in rag hubeysan oo 10 qof ahaa ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaari Land Rover oo ay wateen  askarta Kenya, islamarkaana toogteen labo askari.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada la weeraray ka mid ahaayeen kolonyo galbinayey raashin ku socday deegaanka Raas-kambooni ee gudaha Soomaaliya.

“Kooxda weerartay milateriga Kenya waxey weerar gaadmo ah ku qaadeen gaari Land Rover ah oo ay wateen ciidamada Kenya, waxayna dileen laba ka mid ahaa askartii saarnaa, saddex kalena si xun ayay u dhaawaceen” ayuu yiri Samuel Obara.

“Ciidamadan waxay wadeen raashin ka yimid Hindiya oo ku socday saldhig ay milateriga Kenya ku leeyihiin deegaanka Raas-kambooni ee Soomaaliya, waxaana lagu weeraray deegaan lagu magacaabo Mud,” ayuu mar kale yiri Obara.

Wuxuu sheegay saraakaalkaasi in ciidamadu iska caabiyeen kooxda weerarka ku soo qaaday ayna ka dileen hal ruux oo ka mid ah kooxdaas, wuxuuna yiri “Ciidankuna waxay ku guuleysteen inay qof ka dilaan kooxihii weerarka soo qaaday.”

Ugu dambeyntii, Samuel Obara ayaa sheegaya iney u badinayaan in malayshiyada jidka u gashey milateriga ay yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo horay weerarro uga geystay Kenya, kuna hanjabay weerarro dheeraad ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245