Weerar dad lagu laayey oo dhacay Wajeer, Woqooyi Bari Kenya

Wajeer – Mareeg.com: Ugu yaraan 12 ruux ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday magaalo ka tirsan degaanka Wajeer, ee gobolka woqooyi bari Kenya.

Guddoomiyaha laga soo doortay degaanka Wajeer, Axmed Cabdullahi ayaa sheegay in dablayda weerarka gaysatay ay xirnaayeen lebis militeri “oo laga leeyahay dowladaha deriska ah”.

Mudanayaasha baarlamaanka ee laga soo doorta Wajeer ayaa ku baaqay inuu is casilo wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, oo ay sheegeen inuu ku fashilmay sugidda amaanka degaankaas.

Waxaa degaannada Wajeer iyo Mandera ka jiray dagaallo qaab qabiil ah oo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ay ku dhinteen ugu yaraan 20 ruux.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay militariga gayn doonto halkaas, si ay wax uga qabtaan dagaallada qabiilka ku dhisan ee halkaas ka aloosan.

ISHA: BBC

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245