Weerar Dad Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Xamar-weyne & Al Shabaab Oo Sheegatay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Weerar Dad Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Xamar-weyne & Al Shabaab Oo Sheegatay

Kooxo hubeysan oo watay gaari kuwa raaxadda ah ayaa gaari kale waxa ay ku rasaaseeyeen Waddada Via Roma ee Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa la sheegay in ay leedahay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gaballe kaas oo marayay Degmada Xamar-weyne ee Gobalka Banaadir.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay hal qof oo kalane wuu  ku dhaawacmay kadib markii Kooxda hubeysan ay rasaas ku furtay Gaariga, sida Goobjoogayaal ay Xaqiijiyeen.

Laamaha amaanka Degmada Xamar-weyne ayaa  Xaqiijiyay in ay dhinteen Canab C/laahi Xaashi  oo ka tirsaneed Ururka Haweenka iyo Maxamed Jaamac  oo ahaa Wiilka Gudoomiyaha Ururka Batuulo Axmed Gaballe, ayna wadaan baaritaano ku aadan siduu weerarkaan u dhacay.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Weerarkii maanta ka dhacay Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir ee lagu dilay Allaha u Naxariistee Canab C/laahi Xaashi  oo ka tirsaneed Ururka Haweenka iyo Maxamed Jaamac  oo ahaa Wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururka Batuulo Axmed Gaballe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!