Mareeg Media
Somalia

Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Dowlad goboleedka Puntland.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in gaari nooca raaxada ah oo ay wateen Askar ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland ay rasaas ku fureen xilli ay marayeen Isgoyska Nedko ee magaalada Bosaaso.

Weerarka ayaa waxaa Goobjoogayaal ay sheegeen in uu  ku geeriyooday hal askari laba kalena ay ku dhaawacmeen,isla markaana dadkii ka dambeeyey falkaas ay goobta ka baxsadeen.

Weli lama oga dadka ka dambeeyey weerarkaas,hayeeshee wararka aan saakay aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Puntland ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafadaha Magaaladaas,iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyey weerarkaas.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay deegaannada Maamulka Puntland oo inta badan ka dhacaan falalka Ami darro,isla markaana ay mas’uuliyadooda ay sheegtaan & Kooxda Daacish.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!