Webiga Shabeelle oo billaabey fatahaaad

Read Time:27 Second

Webiga Shabeelle ayaa tuulooyin dhanka bari kaga beegan magaalada Jowhar oo qiyaastii u jirta in ka yar labo km, ka sameeyay fatahaad, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka degan nawaaxiga webiga Shabeelle.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee gobolka Shabeelaha Dhexe Abuukar Bacadle ayaa ku soo waramay in tuulooyinka uu webiga ku fatahay ay ka midtahay tuulada Baxayaxow oo ka tirsan deegaanada ku teedsan webiga Shabeelle.

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa dadaal ugu jira sidii fatahaadda biyo xireenno loogu sameyn lahaa, si looga hortago in uu geysto qasaare intaa ka badan.

Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %