webiga Juba Oo Ku Fatahay Magaalada Baardheere ( sawiro ) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

webiga Juba Oo Ku Fatahay Magaalada Baardheere ( sawiro )

Baardheere ( Mareeg News ) Ku dhowaad ilaa Seddex Boqol oo qoys oo ku noolaa ilaa Afar Xaafadood ee ku yaala degmada Baardheere una dhow hareeraha uu  maro webiga Jubba, ayay saameysay fatahaad uu sameyay webiga todobaadkan.



Qaar badan oo kamid ah qoysaskaasi uu webigu ku fatahay ayaa ka baxay guryahooda oo ku biirey xaafado kale oo degmada ay ka degan yahiin Qaraabadooda,halka kuwa kalena ay  tageen dhulalka taagaga ah iyo meelaha ka baxsan dhulka uu webigu maro.Dadka ay fatahaaddu saameysay waxay markoodii hore la daalaa dhacayeen saameyn ay ku yeelatay abaartii iyo Roobabka da,ayey maalmahii la soo dhaafey oo keenay inay wadooyinka xirmaan,islamarkaana Maciishadu ay qaaliyowdo.



Qoysaskan ayaa Waxay isugu jiraan,ganacsato yar yar, xoolo-dhaqato, beeraley iyo dad kale oo danyar ah,waxayna Fatahada webiga ay saameyn ku yeelatey Qaar ka mid ah Dugsiyadii Waxbarashada Degmada Baardheere .

Xuseen Cabdi Xalane oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere  ayaa sheegay in fatahaadan ay ku barakaceen dad ka badan ilaa 300 oo qoys, welina ay jirto cabsi kale oo la xiriirta fatahaado kale oo uu wabiga gaysto,waxuuna ugu baaqey dadka degan hareeraha webiga iyo Togaga biyo mareenada in ay feejignaadaan,waxuuna dhinaca kale ugu baaqay Dowladda, hay’adaha Samafalka iyo Jaaliyadaha Dibadda ee Soomaalida in gurmad bini’aadinimo ay la soo gaaraan qoysaska ka barakacay guryahooda.



Horey  ayaa digniin looga bixiyay suurtagalnimada in fatahaado ay geystaan Wabiyada Somaliya, waxaana loogu baaqay dadka hareeraha ka degan Wabiyada inay halkaasi ka fogaadaan, si uusan saamayn ballaaran ugu yeelan fatahaada Wabiga.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!