waxaa aad u kordhay tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanaadka ee Sh/dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

waxaa aad u kordhay tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanaadka ee Sh/dhexe

Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe mudane Cali Guudlaawe ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ay korortay tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanaadka Shahaadiga ah, marka loo eego sanadkii hore ardayda u fariisatay imatixaanaadka.

Gudoomiye Guudlaawe ayaa intaa ku daray in arrintani ay ku timid fahamka waalidiinta iyo ardayda ay ka qabaan imtixaanaadka shahaadiaga ah ee dowladda uu soo hagaagay, wuxuuna taasi ku tilmaamay guul usoo hoyatay dowladda iyo madaxda maamulka gobolka Sh/dhexe.

Dhinaca kale gudoomiye Guudlaawe ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay soo wajahday dadkii ku barakacay fatahaadda wabigu ka sameeyay deegaanno ka mid ah degmooyinka Jowhar, Balcad iyo Mahadaay.

Wuxuu intaasi ku daray in dadkaasi ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah maaddaama ay fatahaadda wabigu  baabi’say dalagyadii beeraha uga soo go’i lahaa, isagoo ka deeyriyay nolosha dadkaasi.

Gudoomiye Guudlaawe ayaa codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka tabaaleeysan ee ku barakacay fatahaadda wabiga Shabeelle

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!