WAX BADAN KA OGOOW MAXUU SALKA KU HAYAA MOOSHINKA G. GOLAHA SHACABKA PROFF. JAWHARI…?

Read Time:8 Minute, 18 Second

Qormo ( mareeg news ) Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo if baxay oo bananaka yimid dagaal siyaasadeed oo u dhexeeya hey’adaha sharci dejinta iyo fulinta, aan si kale u dhigee waxaa dagaalkooda siyaasadeed banaanka yimid gudoomiye jowhari iyo reysul-wasaare kheyre, waana tan keentay su’aasha kor ku xusan in qof walba oo muwaddin soomaaliyeed ah isweydiiyo waxa uu salka ku haayo mooshinka gudoomiyaha golaha shacabka maxamed sheikh cismaan jowhari.

Waxaa lawada ogaa in reiisaul-wasaaraha dalka mudane xasan cali kheyre 28kii bishii February uu safar aan la ogeyn u jeedadiisa uu ugu ambabaxay dalka isutagga imaaraadka carabta,(waxaa la xaqiijiyay in paasport ka raisul wasaare kheyre uu yiil safaradda imaaraadka muddo isbuuc ah ka hor safakiisa dubai), waxaana safarkiisii dubai ku wehliyay wasiiro katirsan xukuumaddiisa, Raisul wasaare kheyre waxaa uu Dubai kula soo shiray saraakiil sar sare oo ah kuwa ka arimiya boqortooyada dalkaas, waxaana sida ay weeklies daabacday halkaas lagu soo kala saxiixday heshiis 4geesood ah oo ay kala saxiixdeen, dowladda soomaaliya oo uu matalayay xasan cali kheyre, dowladda imaaraadka oo ay wakiil u ahayd hey’adda DP-world, dowladda soomaaliland uu mathalayay wasiirka arimaha dibadda, iyo dowladda Ethiopia, inkastoo heshiiska sida lasoo bandhigay uu ahaa 3geesood(Ethiopia.

Somaliland,iyo DP-world), waase qarsoonaa oo daaha gadaashiisa la mariyay heshiis uu kheyre dowladahaas kula soo galay Dubai.

Heshiisaani waxaa uu salka ku hayay shidaal baaris iyo dekaddo ay la wareegto DP-world, waxaase sirtii heshiiskaan banaanka keentay shirkadda DP_World oo 1dii march 2018 oo sheegtay in heshiiskaas iyo saami qeybsiga dekadda berbera uu ka dhacay dubay, waana intii uusan raiisul wasaare kheyre dalka dib ugu soo laaban,waana tan kheyre ku noqotay Bomb wejiga looga dhuftay oo uu aad uga naxay, Raisul-wasaare kheyre 1dii march xelli qorax dhac ah ayuu dalka dib ugu soo laabtay waxaa uu la kulmay markale mid kamid ah wasiiradiisii oo aan sameysay arin aan farxad gelin raisul wasaare kheyre taasoo ahay in ay qortay warqad cad oo dalka looga mamnuucayo shirkaaha iyo heshiisyada caalamiga ah ee aan dowladda soomaaliya soo marin taas oo u muuqatay go’aan xukuumaddu lahayd laakiin aan ahayne ayidu maskaxdeed iyo soomaalinimadeed darteed ay u qortay( wasiiradda dekaddaha iyo kheyraadka badda soomaaliya marwo…..).

Mudane kheyre waxaa garoonka muqdisho looga hor geeyay warqadd ay qortay wasiir Maryan Wasiirka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka Badda, balse raiisul wasaare kheyre uma furneyn waddo aan ka ahayn waxa uu sameeyay oo ahayd cambaareyn iyo in heshiiskii DP-world uu kula soo galay dubai uu xaaraan ka dhigo, waxa uuna sheegay in aan loo dul-qaadan Karin, tahayna arin masiiri ah oo ay waajib tahay in wax laga qabto fara-gelintaas qaawan ee shirkadaha ay la gelayaan maamuladda, inkastoo uusan Xusin magaca shirkadda DP-World.

Kheyre isla habiinkaas waxa uu u tegay Mr Jowhari waxaa uuna u sheegay in aan arintaan la hor geyn baarlamaanka, guddiga joogtada ee baarlamaankana ay heshiiska DP—world somaliland lagashayna ay cambaareeyaan uun, halkaasna looga gaabsado oo aan loo dhaafin, jawharina waxa uu ugu jawaabay bal waan arkaynaa, illeen waxa dhacaya odaygu kama war kama heyn eh.

HADDABA KADIBNA MAXAA DHACAY….?
Maalin sabti ah 10kii march, waxaa la furayay kal-fadhiga 2aad ee baarlamaanka soomaaliyeed, waxaana halkaas khudbaddii furitaanka ka jeediyay madaxweynaha dalka mudane maxamed cabdullahi farmaajo, balase arinta la yaabka noqotay ayaa ahayd markii fadhigii baarlamaanka lagu arkay raisul wasaare kheyre oo la shiraya qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka, imaashaddiisii halkaasna waxa ay shaki weyn gelisay gudoomiye jowhari.
12kii march waxaa fadhigii baarlamaanka shir gudoomiyay gudoomiye jowhari waxaa uuna hor dhigay maalintaas heshiiskii DP-world, waxaana xaadir ku ahaa 170 xildhibaan, waxaa codeyay 168xidlhibaan, 2da diidana waxaa ay kamid ahaayeen wafdigii raisul-wasaare kheyre u raacay dalka isutaga imaaraadka carabta, sidoo kale waxa ay kala ahaayeen waziir iyo waziir dowle katirsanaa xukuumadda kheyre, waxaani maalintaas fadhigii baarlamaanka lagu xaaramtimeeyay heshiisyada DP-world ee ku aadana dekadaha soomaalida, dalkana loogama mamnuucay.

Mudane kheyre waaga ayaa ku barayay waxaa uu ogaaday in arintaani faraha ka baxday, waxaa uu maaliintii go’aankaas uu kasoo baxay baarlamaanka habiinkeedii uu gurigiisa ugu tegay gudoomiye jowhari, waxaa uuna u cadeeyay in uu aad uga xunyahay waxa uu sameeyay, balse kheyre markale ayuu hor dhigay gudoomiye jowhari heshiis is afgarad ah oo uu doonayay in faraha laga qaado shirkadaha uu asigu wakiilka uga yahay soomaaliya, sida; SOM_OIL AND GAS, DP-WORLD iyo SHELL. Sidoo kale waxaa uu mudane kheyre dalbaday in aan arintii QALBI-DHAGAX markale uusan soo hadal qaadin baarlamaanku oo halkaas lagu dhameeyo arinta.

Balse dalabkii kheyre waxaa diiday oo gaashaanka u daruuray gudoomiye jowhari kana dhigay mid aan asiga ku xirnayn,una sheegay kheyre in haddii uu shacabka ka maqlana uu hor geyn doono golaha shacabka go’aankana uu halkaas ka imaan doono, waxaa la sheegay jowhari uu habiinkaas cadeeyay mowqifkiisa ku aadan shirkadaha lala gelayo heshiisyada qarsoodiga ah iyo dhiibistii qalbi-dhax, sheegayna inuu asigu uu yahay shaqsi fura fadhiga baarlamaanka, go’aanka ka imaanayana uusan fara gelin Karin.

Kheyre markale ayuu ka carooday hadalka gudoomiye jawhari, waxaa uuna aaday xafiiskiisa asigoo aad uga xun waxa uu ku dhaqaaqayo gudoomiye jawhari. Isla markiiba waxaa uu u yeertay lataliyaal, xidhibaanno iyo waziiro aad ugu dhawaa xafiiskiisa waxaa uuna u sheegay halka ay wax marayaan iyo xaaladda murugsan, isla habiinkaas waxaa dib loo milicsaday mooshin 6bil ka hor jowahari laga keeni rabay balse farsamo darted u baaqday iyo number ka mooshinka looga baahnaa in lasoo gudbiyo oo aad u yaraa.

Balse Isla habiinkaas waxaa la wacay xildhibaanno aan ka warheyn sida ay u socdaan loona sheegay in ay waajib tahay in gudoomiye jawhari laga qaado xilka mooshin laga geeyo, la dar-dar geliyo sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaa la dhameystiray mooshinkii lanasaxiixay isla habiinkaas, saacaddu mar ay ahayd 5tii subaxnimo ayaana saxafadda loogu yeeray villa hargeysa, isla 8dii subaxnimo waxaa mooshinkii loo geeyay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Mr muudeey, Waa go’aankii uu qaatay kheyre oo ahaa in uu ka takhaluso jowhari ama uu aqbalo heshiiskiisa daneysiga ah si aan mashruuciisa shirkadaha shidaalka loo carqaladeyn.

Gudoomiye jowhari inkastoo uu baqay maalmihii hore, haddana waxaa uu xisaabta ku darsaday in aysan jirin xildhibaano diyaar u ah in ay asiga xilka ka qaadaan, balse uu mashruucaan kheyre wato, buuq-badan kadibna waxaa uu maalin kadib aqbalay mooshinkii asiga ka dhanka ahaa, xilli habiin ah ayuu jowhari gurigiisa shir jaraaiid ugu qabtay saxaafadda, una sheegay inuu diyaar u yahay mooshinka laga keenay asiga, waxa uuna dalbaday in la hor geeyo fadhigga baarlamaanka, nasiib darase waxaa isla markiiba guriga baarlamaanka la geeyay ciidamo uu wato Saaqad john( ninkaani waa taliyaha ciidamada NISA ee gobalka banadir), Waxaa halkaas ka cadaatay in kheyre yahay ninka mooshinka wada, gadaalna ka riixaya moshinka ka dhanka ah mudane jowhari, waxaana halkaas ka cadaaday in ujeedada mooshinka tahay cabsi gelin ama xilka qaadis lagu sameeyo jowhari.

Isku soo wada duuboo Waxaa xamar hadda ka socda dadaallo ay beesha caalamku garwadeen ka tahay oo dooneyso in xal loogu helo khilaafka ka dhax taagan hey’adaha dowladda (fulinta iyo sharci dejinta), taasoo ay dheertahay in baarlamaankii 2 garab noqday, oo ay shirar kuleeyihiin hoteeladda magaalada, haddana waxaa muuqda ayaa ah in kheyre juhdi iyo dhaqaalo ku bixinaayo sidii uu xilka uga qaadi lahaa gudoomiye jowhari, waxaase xaqiiq ah in haddii jowhari laga takhaluso baarlamaanku iska noqon doono 2ba mid uun oo kala ah; mid xukuumaddu u taliso oo go’aanadda baarlamaanka laga maamulo xafiiska raisul wasaaraha ama kan madaxweynaha, ama in gebigiisaba kala diro, beesha caalamkana loo sheego in aan lagaba shaqeyn Karin golaha shacabka.

Madaxweyne farmaajo oo 14kii bishaan march u guuray wasaaradda gaashaan dhigga wuu maqlayay arintaan mana soo dhax gellin, waliba mar ay xildhibaano ugu tegeen xafiiskiisana waxaa la sheegay in uusan wax-weynba u arkin. Waloow uu yahay madaxweynihii dalka,masuulkii ugu sareeyay dalka, sharci dhowrihii dalka, haddana waxaa soo if baxay inuu yahay nin raisul wasaarihiisa raali uga ah waxwalba oo uu sameeyo, xitaa haddii ay sharciga kasoo hor jeedaan, marka loo fiiriyo hab-dhaqanka kheyre iyo xukuumadiisa iyo ku tagti falka awoodeed, taasoo madaxweynuhu wax muuqda uusan qaban.

Qorshaha Kheyre iyo farmaajo ee hadda ….?
Raiisual wasaare kheyre oo ah nin aad u caqli badan waxa uu madaxweyne farmaajo tusiyay fursad dalka lagula waregi karo, hey’adda sharci dejintana meesha looga saari karo gebi ahaanba, taasoo farmaajo u sahleysa in uu dalka maamulo baarlamaan la’aan mudada waqtigiisa uga dhiman, in kastoo madaxweynuhu uusan fiirine heshiiskaan haddana waxaa muuqata in la isku raacay.

Kheyre wax-yaaba uu madaxweynaha usheegay tahayna in lasameeyo waa in jowhari xilka laga qaado, kadibna baarlamaanka la yiraa maadaama uusan gudoomiye baarlamaan jirin hala soo xulo dadkii u tartami lahaa xilkaas, inta lagu maqanyahana xulashadana uu madaxweyne farmaajo uu dalka geliyo xaalad deg-deg ah oo 6bil ah, dibna aanba la furin kal-fadhiga baarlamaanka, dalkuna uu sidaas loo afganbiyo farmaajana uu halkaas kula wareego awoodda dalka.

Waxaa intaas dheer in madaxweynaha iyo raisul wasaruhuba si gooni goni ah ay la shireen saraakiisha ciidamada ajaanibta ah ee dalka ku sugan, warbaahintuna may helin wixii aay kawada hadleen, inkastoo la sheegayo in farmaajo ka fakarayo dagaal lala galo shabaab, haddana taasi uma muuqato mid suurtagal noqon karta waqtigaan lagu jiro oo ay dalka ka jiraan kacsanaan dhanka siyaasadda ah.

Taasoo ay dheertahay in ciidamadda ajaanibta ah ee lagu ballansanaa in sanadka 2019ka ay ka baxaan dalka loogu daray waqti aan la cayimin, lana aan hor keenin baarlamaanka waana sababkale oo ku tusinaysa in madaxdu dalku ku riyooneyso afgenbi dalka ka dhaca.

Ugu danbeyn dagaalka (mooshinka) laga keenay gudoomiye jowhari waxaa muuqato in uu salka ku haaya ujeedooyin badan taasoo la doonayo in dalka kheyraadkiisa lagu iibsado, iyo inaan lala xisaabtamin xukuumadda, sidoo kalana la doonayo in dalka khal-khal la geliyo, taasoo aan ciddi gareyn natiijada ka dhalan doonta, balse ay waajib tahay in qof walba uu ka dhiishiyo, si aan looga bur-burin iftiinka yare ee dowladdnimada ee inoo muuqda shacabka soomaaliyeed ee dowlad la’aanta ahaa mudada 30kii sano ee lasoo dhaafay.

W/Q: Sayid-Ali Mohamed Mo’allim Ali (MUSHARAF)

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %