Wasiirrada Caafimaada Soomaaliya iyo Shiinaha oo kulan yeeshay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirrada Caafimaada Soomaaliya iyo Shiinaha oo kulan yeeshay

Mareeg.com: Wasiirka wasiirada caafimaadka Soamaaliya, Xaawo Xasan Mohamed oo booqaneysa dalka Shiinaha ayaa kulamo la qaadatay dhiggeeda dalkaasi, Maewo Li bin.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriir ka labada dal iyo sidii dawladda Shinuhu ay uga kaalmeeyn laheeyd dawladda Soomaaliya arrimaha caafimaadka iyo fayo dhowrka.

Kulanka labada Wasiir oo ka dhacay xarunta wasaradda caafimaadka Shiinaha ee magaalada Beijing,  iyadoo wasiiradda caafimaadka Shiinaha ay ballan qaadday taageero dhan walba leh oo ay siineyso dawladda Soomaaliya. Sida in dib loo dhisa dhamaan xarumihii caafimaadka ee dawladda,  taageera deg deg ah oo la gaarsiinaayo. Dadka uu ku fatahay wabiga shabelle ee magaalada Jowhar iyo qaxootiga ka soo cararay dalka Yemen.

Wasaaradda caafimaadka Shiinaha ayaa sheegtay in wafdi heer sare ah ay u diri doonto Muqdisho, kaasoo soo qiimeynaya mashaariicda ay dowladda Shiinuhu qorsheyneyso iney ka hirgeliso Soomaaliya.

Kulanka Beijing kadib wasiirka caafimaadka Soomaaliya waxay booqatay gobalka Jilin halkaas oo ay kula kula yeelatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha ku yaalkaasi, waxayna aad oogu faraxday diyaar garoowga ka muuqda ardayda Soomaaliyeed.

Dhamaan kulamadaas waxaa goobjoog ka ahaa Qunsulka guud ee safaraada Soomaalida ahna ku simaha safiirka Mohamed Ibrahim Cawale Dr.  Charles

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More