Wasiirrada A. debadda iyo maaliyadda Somalia oo la kulmay madaxweynaha Baanka Horumarrinta Afrika * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirrada A. debadda iyo maaliyadda Somalia oo la kulmay madaxweynaha Baanka Horumarrinta Afrika

Tunis – Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane ayaa kula kulmay magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika, Donald Kaberuka iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Bankigaasi, iyadoo kulanka looga dooday dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarinta ee Bankiga ugu talagalay dalka Soomaaliya oo aan helin kaalmadii uu kaga baahnaa Bankigaasi mudadii qaran burburka iyo colaadaha ay ka jireen dalka.

Kulankani dhexmaray wasiirada ka socday Soomaaliya iyo madaxa Baanka Horumarrinta Afrika ayaa waxaa lagu falan-qeeyay fududeynta deeqaha maaliyadeed iyo fulinta mashaariic kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa iney xoojiso Xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya hey’adaha maaliyadeed ee heer gobol iyo heer caalami.

Wasaaradaha arrimaha debadda iyo maaliyadda Soomaaliya ayaa Baanka Horumarrinta Afrika muujiyay qorshayaasha ay ku doonayaan inay fursado maalgeshi, dib u dhis iyo horumarin uga suuragelin lahaayeen dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaya dagaalo sokeeye oo burburiyay nidaamka dowladnimo, deganaansha ammaan, dhismayaasha hey’adaha Xukuumiga, nolosha Siyaasadda iyo maamulka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Madaxda Bankiga Horumarinta Afrika inay taageeraan hey’adaha maaliyadda dowladda oo uu ku jiro Bankiga Dhexe, si loogu saldhigo nidaam maaliyadeed oo sugan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!