Wasiirow: Ama Waa La Muuqdaa Ama Waa La Maqnaadaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirow: Ama Waa La Muuqdaa Ama Waa La Maqnaadaa

Mar kale ayaa dad badan dib u xusuusteen wasiiradii faraha badnaa oo wixii ka dambeeyey sanadkii 2000 Muqdisho looga dhawaaqi jiray, si loo qanciyo beelo is fiirsanaya, hase ahaate mar kasta natiijadu ku dhamaaneysay fashil.

Soo magacaabista wasiiradan cusub wareer badan ayay gelisay madaxda dowladda, bilowgu uma muuqdo mid fiican, lamasa oga natiijada, waxsse horay loo yiri “Alif kaa xumaaday Albaqra kaagama haro”.

Xalay xilli ay yareyd cidda soo jeedda Soomaaliya, marka laga reebo dadka qayila ama qaadka cuna iyo dadka ku sugan dalalka debadaha ayaa Raysul wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed ku dhawaaqay gole wasiiro oo aad uga badan tirooyinkii looga bartay 3-dii Raysul wasaare ee ugu dambeeyey ee isaga ka horeeyey.

Sida caadiga ah, marka lagu dhawaaqayo golaha nuucaan ah waxaa lagu soo begaa xilli bulshada ay u shaqeynayaan ay la socon karaan, laakiin taasi ma dhicin ee saaka markii hurdada laga toosay ayaa la maqalay wasiiro farabadan oo xalay lagu dheelmaday.

Shalay galab ayaa xarrunta madaxtooyada looga yeeray wasiirrada la magacaabayey qaarkood, qolyaha wararka fidiya iyo marti sharaf, Soomaalidu meel kasta oo ay joogaan dhegta ayay kor u hayeen, wax war ayaa soo bixi waayey, cid kastaba markii ay gaartay goortii ay seexan jirtay ayay dhinaca dhulka dhigtay, iyadoo yaaban oo warbaahinta qaar usoo tabinayaan in khilaaf kedis ah dhashay oo la kari waayey in magacyada golaha meel heshiis lagu yahay la wada dhigo, markaas ayay bilaabatay rajo xumada shacabka ee ku aaddan xukuumadda lasoo wado.

Waxaa kale oo wax cusub ahaa in markii golaha wasiirada lagu dhawaaqayey uu weriyaasha iyo marti sharafka soo hor joogsday Raysul wasaare C/weli oo kaliya, waxaa meesha laga waayey madaxweyne Xasan iyo gudoomiyaha baarlamaanka, dad badan taas ayay shaki ka qaadeen, inkastoo madaxweyne Xasan soo dhaweeyey xubnaha cusub ee wasiirrada.

Si kastaba, iyadoo sabab laga dhigayo qancinta beelaha ayaa saaxada la keenay gole wasiirro oo ka kooban 55 xubnood, wasaarado badan ayaa la kala jaray, waxaa lasoo celiyey wasaarado magac u yaal ka ah Soomaaliya oo aysan muhiim aheyn in xilliga loo gaar yeello wasaarad dhan.

Xubno badan oo ka mid ah golahan lagu dhawaaqay waxey noqon doonaan kuwo aan waxba qaban, maxaa yeelay ma jiro qorshe loo dejiyey wasaaradaha loo magacaabay oo hadda dalka ka jira.

Sida muuqata, madaxda Soomaalida ayaa xal weysan weli labo arrimood, mid waxaa weeye wasaaradaha oo faraha laga badiyo, taaasina keento in wasiirada qaar isku qabsadaan howlaha wasaaradaha, oo dadku ku dhibaatoodan, midda kale ayaa ah marka wasiirada aad loo yareeyo markaasoo howlo baaxad leh hal wasaarad la dulsaaro, awoodna u yeelan weyso iney wada qabato.

Wasaaradaha faraha badan waxey leeyihiin culeys dhaqaale oo dalka Soomaaliya uusan xilligaan qaadi Karin, wasiir kasta, wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle wuxuu u baahan yahay xafiis, gaadiid, ilaalo iyo qoonde dhaqaale oo gooni ah, taasina maaha mid hadda ka muuqata Soomaaliya.

Tusaale, golihii wasiirada Cabdi Faarax Shidroon waxey ahaayeen 10 wasaaradood oo kaliya, waxeyna xukuumaddaasi awdoodi weysay iney si toos ah mushaar u siiso shaqaalaha dowladda, haba ugu darnaadaano ciidamada iyo macallimiin tiro yar oo 4 bilood ka hor dowladda Soomaaliya u qoratay Mashruuca “Aada Dugsiyada” oo weliba lacagtaas kala barkeed ay bixinayeen hay’ado ajnabi ah.

Xukuumadda uu xalay sida dheelmadka ah ugu dhawaaqay C/weli Sheekh Axmed ayaa tii ugu ballaarneyd tan iyo sanadkii 2009, xilligaasoo uu xilka madaxweynaha qabtay Sahriif Sheekh Sheekh Axmed.

Intii Shariif xilka hayey waxaa dalka soo maray 3 Raysul wasaare, mana jirin raysul wasaare tirdan oo kale keenay, mar kastana waxaa la sheegi jiray in wasaaradaha badankood aysan muujin shaqo wanaag, ha badanaado hase yaraadaanee.

Bishii Febraayo 2009, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa dhisay xukuumad ka kooban: 36 wasaaradood, Bishii November 2010, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhisay xukuumad ka kooban: 18 wasaaradood, Bishii July 2011, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhisay xukuumad ka kooban: 18 wasaaradood, Bishii November 2012, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa dhisay xukuumad ka kooban Saacid: 10 wasaaradood, taasoo aheyd xukuumddi ugu tirade yareyd Soomaaliya.

Wixii ka dambeeyey sanadkii 2009 waxaa muuqatay in lagu dadaalayey in la yareeyo wasaaradaha faraha badan, hase ahaatee hadda ayay mar kale bilaabatay in dib loo laabto oo la xusuusto xukuumadihii Cali Khaliif Galeyr, Xasan Abshir Faarax, Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxeyna u badan tahay iney la imaan doonaan wasaaradaha faraha badan wixii horay looga bartay kuwii lasoo tijaabiyey.

Waxaa nasiib darro ah, Soomaaliya xilligaan lagama fakero wax hala qabto ee waxaa laga fekeraa in beel kasta kasta fagaaraha siyaadda ka muuqato, xubnaha la magacaabo badankoodna waxey eegtaan danahooda gaarka ah iyo iney taariikh nololeedka ku darsadaan iney Soomaaliya mar ka noqdeen wasiir ama wasiir ku xigeen.

Hadaan dib ugu noqdo wasiirada cusub ee faraha badan waxaa ka muuqata iney ku jiraan xubno xilal hore soo qabtay laga soo bilaabo xilli Prof. Cali Maxamed Geeddi, sidoo kale wasiiradan tiro badan oo ka mid ah waxey kazoo galen dhanka baarlamaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa la siiyey Aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Awdal, kaasoo lagu magacaabo C/raxmaan Ducaale Beyle halka kursigaas inta badan ay qaadan jireen deegaanada kale ee Waqooyi ee Soomaaliya. Booskaas waxaa ka baxay Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka hor inta aan xilkaas loo magacaabin kazoo wareegtay dhanka Somaliland.

Waxaa dib usoo laabtay labo wasiir oo la sheego iney aad ugu dhowyihiin madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaasoo kala ah C/kariim Xuseen Guuleed oo laga qaaday arrimaha gudaha, hase ahaatee loo daayey Amniga Qaranka iyo Faarax C/qaadir oo loo dhiibay Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka.

Ma cadda wax xukuumaddani kala kulmi doonto baarlamaanka Soomaaliya marka loo qaadayo codka kalsoonida, inkastoo xukuumaddu u badan tahay xildhibaano, haddana xildhibaanada ayaa ah kuwo loolan adag ka dhaxeeyo.

Ugu dambeyntii wasiirada faraha badan waxaa hortaalla Maahmaahda Soomaalyeed ee ah “Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanaadaa”.

Cabdalle X. Max’ud
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!