Wasiiro lagu qarxiyey gobolka Shabeellaha Hoose

Mareeg.com: Gaadiid kolonoyo ah ay la socdeen wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa waxaa maanta qarax lagula eegtay duleedka magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirada oo maalmahaanba arrimo shaqo u joogay Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa la soo sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah kolonyadii ay wasiiradu wateen.

Rasaas xoog leh oo ay rideen ilaalada la socotay wasiirada ayaa la maqlay qaraxa ka dib. Weli war sax lagama hayo khasaaraha qaraxaas ka dhashay.

Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ee qaraxa lala eegtay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkaas, C/raxmaan Aadan Sate, Wasiirka Iskaashiga Caalamiga C/naasir Cabdi Caruush iyo Wasiirka Caafimaadka, Isaaq Cali Subag.

Wasiirradan ayaa maalmihii lasoo dhaafay u joogay gobolka Shabeellaha Hoose arrimo la xiriira nabadeynta labo beelood.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245