Wasiiro kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiiro kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar

Mareeg.com: Ra’iisul wasaare ku xieenka, ahna wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada sida: Wasiirka Garsoorka Faarax Sheekh C/qadir, Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali-Daahir iyo xubno kale ayaa maanta kormeer ku tegay xabsiga dhexe ee Xamar si ay ugu kuur galaan xaaladda maxaabiista ee halkaasi ku jirta.

Wasiirada ayaa waxey kormeerkooda ku sameeyeen qeybaha uu xabsiga dhexe ka koobanyahay, waxaana ay soo indho indheeyeen xaaladda maxaabiista ku xiran xabsiga, qeybta caafimaadka, taliska iyo qeybta saadka.

Markii uu soo idlaadey ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Garsoonka iyo Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, waxa uuna tilmaamay in muhiimaddu kormeerkaani uu ahaa sidii ay howlaha guud ee Xabsiga uu u hayo dalka loo oggaan lahaa, isla markaana loo ogaado daruufaha ka jira si ay dowladda Soomaaliya u dhameystirto.

“Maanta waxaa soo booqannay xabsiga dhexe, ujeedka kormeerku wuxuu ahaa in loo kuur-galo xaaladaha amni, dhaqaale, caafimaad iyo maamul ee xabsiga iyo maxaabiista ku xiran,” ayuu yiri Faarax C/qaadir.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay. “Runtii xaaladda xabsigu uu haatan ku sugan waa mid aad u adag, kormeerkeenuna wuxuu kamid yahay qorshaha xukuumaddu ku doonayso dib-u-habeyn in loogu sameeyo dhammaan xabsiyada dalka oo dhan.”

Taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliya, Xuseen Xasan Cismaan ayaa tilmaamay inay jiraan dhibaatooyin xabsiga ku haysta maxaabiista, isla markaana uu wali dayactir u baahan yahay xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!