Wasiiro katirsan xukuumadda Rooble oo hadalo kulul isdhaafsaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiiro katirsan xukuumadda Rooble oo hadalo kulul isdhaafsaday

Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya Khadiija Max’ed Diiriye, ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, Xamsa Saciid Xamsa.

Wasiiradda oo qoraal kooban soo dhigaty boggeeda Facebook waxay tiri: “Wasiir Xildhibaan Xamse Xusuuso haddad xis-leedahay Abboowe”.

Iyada oo qoraalkaasi kooban ee ay ugu jawaabeyso Waziir Xamse soo raacisay Khudbad ay wasiirad Khadiijo jeedisay xilli ay xil wareejin dhaceysay.

Sidoo kale Wasiirka Gargaarka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa boggeeda Facebook waxa ay soo dhigtey qoraal ay u gudbisay xilligii ay ahayd wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga kaasoo ku saabsan baahiyaha ka jira wasaaradeeda.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ahayd wasiir xilligii uu socday dhismaha iyo dayactirka lagu sameeyay garoonka kubbada cagta ee Stadium Muqdisho taasoo ka mid ah guulaha ay sheegato dowlada uu madaxda ka yahay Farmaajo.

Hase yeeshee,Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in wasaaradda marki uu la wareegayey iney lahayn xafiis lagu shaqeeyo.

Wasiirka wuxuu sheegay wasaaradda marka uu tagay shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa iyo laba sano iney fasax ku maqnaanyeen mushaarna qaadanayeen.

 

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.