Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii Cabdi Iley oo lagu qabtay Hargeysa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii Cabdi Iley oo lagu qabtay Hargeysa

Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Soomaaliland gaar ahaan garoonka diyaaradaha Cigaal international Airpor ayaa waxaa Ciidamada amaanka Soomaaliland ay halkaasi ku qabteen Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii uu hogaamiyaha ka ahaa Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Wasiirada Garoonka diyaaradaha Hargeysa lagu qabtay ayaa kala ahaa wasiirkii caddaaladda,iyo wasiirkii waxbarashada, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cabdi Jamaal Axmed iyo Ibraahim Aadan Mahad oo ka tirsanaa Golihii hore ee Wasiirada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhinaca Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Wasiiradaan maanta la qabaty ay ahaayeen kuwo baxsad ah,isla markaana la sheegay in ay ku soo wajah naayeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!