Wasiiro Baydhabo u tegay qiimeynta shirar iska soo horjeeda
Baydhabo – Mareeg.com: Wafdi ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay kulammo kula yeesheen ergooyin ay shirar iska soo horjeeda uga socdaan Baydhabo.
Wafdigan oo ay hoggaaminayaan wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/llaahi Goodax Barre iyo wasiirka gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo.
Wasiirada gaaray waxaa sidoo kale ka mid ah wasiirka warshadaha, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor), wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Yuusuf Macallin Amiin Baaddiyow iyo wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare, Ducaale Aadan Maxamuud.
Ujeeddada socdaalka wasiirrada ayaa lagu sheegay sidii ay u qiimayn lahaayeen shirarka iska soo hor-jeeda ee ka socda magaalada Baydhabo.
Wasiirrada ayaa durbaba la kulmay ergada shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo 6 gobol oo ka tirsan Soomaaliya, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre.
Sidoo kale wafdiga ayaa waxa ay Hotelka Bakiin kula kulmeen ergo kale oo iyana ka shirayay sidii ay maamul ugu sameyn lahaayeen 3 gobol oo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.
Mareeg.com
Comments are closed.