Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo Maanta hortagaya Golaha Shacabka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo Maanta hortagaya Golaha Shacabka

Kulan ayaa la filayaa in Maanta oo Axad ah ay Magaalada muqdisho ku yeeshaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,kulankaan oo xasaasi ah ayaa la filayaa inay hortagaan wasiiro ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Maanta oo Axad ah ayaa Xildhibaannada waxaa ay ahaayeen kuwo fasax ku jiri jiray,hayeeshee Guddoonka Golaha Shacabka oo sheegay todobaadkii hore in uu jiro kulanka ayna hor imaanayaan  Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Wasiirada waxaa ay wax ka weeydiin doonaan xaalada dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Xayiraadii Madaxweynayaashii hore iyo qodobo kale oo quseeya Shaqadooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan ayaa Arbacadii la soo dhaafay waxaa uu sheegay in si deg deg ah looga dalbanayo in Axadda Maanta ay Golaha hor yimaadaan labada wasiir,isla markaana Xildhibaannada dhankooda laga doonayo inay la xisaabtamaan Wasiirada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!