Wasiiro iyo Mas’uuliyiin gaaray degmada Caabudwaaq * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiiro iyo Mas’uuliyiin gaaray degmada Caabudwaaq

Wafuud ballaaran oo isugu jira Wasiiro, Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo ayaa maanta gaaray degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Caabudwaaq, iyadoo socdaalkooda uu la xiriiro arrimaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe iyo sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira habka loo marayo maamul u sameynta.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa ayaa gaaray Dhuusa Mareeb, iyadoo wasiirka kulamo la qaatay maamulka Gobolka Galgaduud, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Socdaalka Wasiirka ayaa la xiriira dar dar gelinta howlaha maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo Wasiirku dhageysan doono aragtida bulshada gobolka iyo odayaasha dhaqanka ee ka qeyb qaadanaya shirka dib u heshiisiinta Dhuusa Mareeb ka socda.

Dhinaca kale Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Aadis Ababa iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Axmed Cabdisalaan iyo Mahad Maxamed Salaad oo ay qeyb ka yihiin odayaal dhaqameedyo ayaa gaaray degmada Caabudwaaq, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Booqashada Wafdigan ayaa la xiriirta sidii loo qancin lahaa beesha waqooyiga Galgaduud, kuwaasoo dhowaan isaga soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Dhuusa Mareeb, waxaana la filayaa inay odayaasha dhaqanka Caabudwaaq ay dib ugu laabtaan.

Xubnaha Wafdigan ayaa sheegay in kulankooda uu la xiriiro sidii loo dhameyn lahaa arrimo yar yar iyo tabasho, iyadoo rajo ka muujiyay inuu sii socdo howlaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo ilaa iyo hadda lagu kala aragti duwan yahay goobta shirka lagu qabanayo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!