Wasiirkii labaad ee ka tirsan maamulka Somaliland oo iscasilay

Mareeg.com: Wasiir labaad oo ka tirsan maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo ayaa maanta is-sacilay, iyadoo ay sii badanayaan dadka mucaaridka ah Siilaanyo.

Wasiirka warshadaha Somaliland, Abiib Diiriye Nuur ayaa ku dhawaaqay maanta in uu iscasiladiisa u gudbiyay madaxweynaha maamulka Somalilan, Axmed Siilaanyo.

Shalay ayaa waxaa isidoo kale casilay la taliyihii madaxweynaha somaliland ee dadka la hayb sooco, Barkhad jaamac Xirsi.

Mr. Xirsi ayaa sheegay in kasta oo marar badan uu ballanqaaday madaxweyne Axmed siilaanyo in uu saamiga xukuumaddiisa ee bulshada la hayb sooco uu wax ka qabanayo, haddan isku shaandheyntii ugu danbeysay ee todobaadkan iyo kuwii ka horeyayba ay ku hungoobeen.

Waxaa isna horay isu casilay wasiirkii hore ee Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, oo isku shaandheynta looga magacaabay xilka wasiirka waxbarashada.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245