Wasiirkii hore ee arrimaha debadda Soomaaliya oo xubin ka noqotay baarlamaanka

Muqdisho – Mareeg.com: Raysul waqsaare ku xigenkii aheydna wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta loo dhaariyay xildhibaannimo, iyadoo bedeshay Ismaaciil Xasan Jamac oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankii maanta ee Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya aya lagu dhaariyay Xildhibaan Cusub oo lagu Magacaabo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horay usoo noqotay Wasiirka Wasaarada Arrimaa Dibada Ahaydna ku simaha Ra’isal Wasaaraha Xukuumadii Saacid.

Fowziyo Yuusf Xaaji Aadan ayaa bedeleysa Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jaamac oo iska casilay Jakada Kursiga Baarlamaanka sababo Xanuun awgeed Sida uu Sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Cusub ee Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan aya lagu Dhaariyay Baarlamaanka hortiisa.

“Waxaan ku dhaarayaan magaca Illaahay inaan xilkayga u gudan doono si ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana aan dhowro dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka,” ayay tiri Fowziyo Yuusuf markii ay dhaaranaysay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee xukuumaddii Cabdi Saacid ahayd wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxay intii ay xilka haystay booqashooyin ku kala bixisay dalal dhowr ah ay ka mid ahaayeen, Shiinaha iyo Koonfurta Suudaan.

Xildhibaannada ayaa dhaarinteedu waxay kusoo beegmaysaa xilli uu furmay maalmo ka hor kal-fadhigii afaraad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo howlaha looga fadhiyo baarlamaanka ay ka mid yihiin in dalka ay doorasho ka dhacdo marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245