Wasiirkii Hore Ee Amniga Oo Hadal Lama Filaan Ah Ku Hadlay

Read Time:56 Second

Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumaddii hore ee Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Xasilinta Caasimada ee ka howl gala xilligan Magaalada Muqdisho aysan sharciyad ku dhisneyn.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa si weyn u dhaliilay qaabka ay u howl galaan Ciidamada Xasilinta, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in laga fikiro Sharciga ay ku dhisan yihiin Ciidamada.

Sidoo kale waxa uu sheegay Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed in qodobka 126aad ee Dastuurka uu ka soo horjeedo dhismaha ciidanka Xasilinta, isagoo xusay in markii hore ciidankan si KMG ah loo sameeyay sanadkii hore.

“Ciidamada loo yaqaan xasilinta sharci kuma shaqeeyaan, ciidan xasilin waa loo baahan yahay, balse wax kasta waxaa kala hagaayo sharciga, haddii Garsoorka iyo sharciga uu xumaado wax hagaagaya malahan, Ciidankaan xasilinta sharciyad malahan, waxayna ka soo horjeedaa qodobka 126-aad ee Dastuurka jiritaanka ciidanka xasilinta, waana waydiinay sharci ma haystaan KMG waaye ayuu dhahay illaa goormee ayeey KMG yihiin”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar.

Ciidamada loo yaqaan Xasilinta oo ka kooban Booliska, Nabad Suggida, Militariga iyo Asluubta ayaa waxa ay ka shaqeeyaan suggida amniga Magaalada Muqdisho.

 

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %